Hargeysa (RH)-Ayadoo shalay ay dadka reer Somaliland codkooda ka dhiibteen doorashooyinkii isa saarnaa ee madaxtinimada iyo ururrada siyaasadda ayaa waxaa soo baxaya in meelaha qaar ay codeeyeen carruur aan qaangaar ahayn.
Dastuurka Somaliland ma dhigayo wax da’ qaangaarnimo ah, laakinse sharciga doorashooyinka ayaa dhigaya in 15 jir iyo wixii ka weyn ay codayn karaan.
BBC ayaa la kulantay carruur da’doodu tahay 14, 13, iyo 12, kuwaasoo ay kula kulantay goobaha codbixinta, xilli ay siteen kaararkii codaynta, ayagoo codkoodana dhiibanayey.
Haddaba arrinta sharciyadda ah ee u saamaxday in carruurtaas ay codeeyaan ayaa waxaa ka dhalatay dood. Dadka qaar waxay u arkaan inay wax iska caadi ah tahay, waayo waxay qaarkood qayb ka ahaayeen dad gawaari lagu keenay goobaha codbixinta si ay u codeeyaan.
Mid ka mid ah sharci yaqaannada Somaliland ee u dhuun daloola arrimaha doorashooyinka oo BBC la hadlay wuxuu ku tilmaamay in arrinkani uu yahay “khalad salka la galaya diiwaan galinta codbixiyeyaasha”, isagoo ula jeeda in xilliga la diiwaan galinayo dadka xaqa u leh inay codkooda dhiibtaan aan laga taxadarin hubinta da’da qofka.
Meelaha ay BBC ku aragtay carruurtaas codaynaysay waxaa ka mid ah magaalada Boorama. Wakiilka komishanka doorashooyinka ee gobolka Awdal ayey BBC wax ka weydiisay carruurtaas codaynaysay “caqabadaas waa mid heer qaran ah” ayuu yiri mas’uulkaas.
“Sababta keentay waa caqabad sharci. Baarlamaanka hadday sharci ka dhigaan qofka haysta kaarka aqoonsiga ayaa qaadanaya kaarka codbixinta, ma aysan khaldami lahayn oo way noo fududaan lahayd” ayuu sii raaciyey.
Arrin kale ayaa ah ayadoo Soomaalidu ay aad u qiimeeyaan haybta qofka halkii laga eegi lahaa da’diisa “caaqillo ayaa caddaynaya in qofku uu reer Somaliland yahay” ayuu yiri mas’uulkaas.
Ma aha markii ugu horreysay ee carruur ay codeeyaan sida uu BBC u sheegay Mubaarik Cabdi Maxamuud oo ah qareen madax banaan “Hore ayey u dhici jirtay, waana la isla ogyahay”.
“Xeer lambar 91 ee xeerka guud ee doorashooyinka Somaliland ee soo baaxay 2023 wuxuu dhigayaa in qofka gaara da’da 15 jirka uu codayn karo, laakinse mar haddii la diiwaan galiyo qofka ee la siiyo kaarka codbixinta, wax badan lagama qaban karo xataa haddii la ogaado in da’diisu yar tahay, loomana diidi karo inuu codkiisa dhiibto” ayuu yiri garyaqaan Mubaarik.
Doorashadan isa saarka ah ee Somailland oo shalay codaynteedu dhacday ayaa waxaa lagu qiyaasayaa in dad gaaraya hal malyan oo qof ay codkooda ka dhiibteen goobo codbixin oo ku dhow ilaa 2,500 oo goobood, ayadoo Somaliland ay adeegsatay markii ugu horreysay nidaamka lagu xaqiijinayo codbixiyeyaasha ee laga eegayo bu’da isha.
Maamulayaasha ayaa dadka uga digayey in aan la faafin natiijo aan rasmio ahayn, ayadoo ilaa iyo xalay markii tirinta codadka la bilaabay ay soo baxayeen in warar badan la isla dhex marayey baraha bulshada.
Tiknoloojiyada Bu'da isha
Sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay waxay ku soo baxaysaa laba maalin gudahood.
Marka natiijada degmadu ay soo baxdo waxaa loo gudbinayaa heer gobol ka dibna ilaa xarunta dhexe ee guddiga.
“Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse.
Balse muddadaas toddobada cisho ah, hadba halka ay wax marayaan waxaa lagala soconayaa warbaahinta sida uu guddiga sheegay. Waqtigan oo ah mid sharci ah oo u yaalla guddi kasta oo howshaan qabta ayaa ah mid dadkuna ka war qabaan, iyadoo aad maalmahaas isha loogu hayo warbaahinta iyo meelaha kale ee lagala socdo doorashooyinka.
Murashaxiinta madaxweynimo ee tartamaya oo hadlay ayaa muujiyay in ay aqbalayaan marka ay soo baxdo natiijada doorashada.
Natiijada kama dambaysta ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo wixii loo gaaro 20 ka bishan Nofembar.
Xigasho: BBC