Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa miino oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa jugtiisa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa la sheegay in lagu aasay meel u dhaw bar koontarool oo ay ciidamada Booliisa milataari ku baaraan dadka iyo gaadiidka.

Goobjoogayaal ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in qaraxa miino ay ku dhaawacmeen laba ruux oo shacab ah oo aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray askarta ka dhaweyd goobta qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib howlgalo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay, hayeeshee lama soo warin cid ay usoo qabqabteen qaraxa miino ee khasaaraha kasoo gaaray dadka shacabka ah.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay ciidamada cusub ee lagu soo tababaray dalka Uganda wax badan iska badelay, hayeshee saacadahii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Category