Sawirro: James Swan oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah soo gaaray ergeyga xoghayaha fuud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, kaasoo dhawaan loo magacaabay James Swan.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweys Jaamac iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweeyay Mr Swan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu ka soo degay.

Swan ayaa horray xilkan u soo qabtay gaar ahaan intii u dhexeysay sannadihii 2019-2022, waxaana lagu xusuustaa doorkii uu ku lahaa doorashadii adkeyd ee murankeeda soo jiitamayay, illaa ugu dambeyn 15 May 2022 lagu doortey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mr Swan ayaa markaan xafiiska si KMG usii heyn doono, waxaana uu dhameystiri doonaa howsha Xafiiska UNSOM oo la qorsheynayo in sanadkan dib u eegis lagu sameeyo. M

Mr Swan ayaa waxa ay magacaabiddiisa ku soo aadeysa kaddib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ay dalbatay in la xiro Xafiiska UNSOM oo la furay bishii June sannadkii 2013-kii.

 James Swan oo soo gaaray Muqdisho

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category