Shirka qurba-joogta Soomaalida oo ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed.


Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Bangiga Caalamiga ah ee Soomaaliya (IBS) ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan dowladda, ganacsato iyo sidoo kale wakiillada bulshada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo shirka soo xiray ayaa ka hadlay ayaa muujiyay doorka muuqda ee qurba-joogta Soomaaliyeed ay ku lee yihiin dib u dhiska dalka.

Wasiir FiqiShirka Qurbajoogta

Waxa uu sheegay ku dhawaad ​​labo bilyan oo doolar ay qurba joogta Soomaaliyed ku soo diraan xawaaladaha, taasoo lagu qiyaaso 27% dhaqaalaha guud ee qaranka, ay ku xiran tahay nolosha qoysas badan.

Shirkaan oo la qorsheeyey in hal maalin uu ka socdo Muqdisho ayaa waxaa galabta soo xiray Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Isaaq Maxamuud Mursal, isagoo u mahad-celiyey masuuliyiintii ka soo qeyb-gashay shirka oo la isku dhaafsaday afkaaro kala duwan oo ku saabsan sidii qurbajoogta Soomaaliyeed ay dalkooda u maalgasha lahaayeen.

Shirka ayaa sidoo kale laga sheegay in marka laga soo tago xawaaladaha, qurba-joogta Soomaaliyeed in ay si toos ah uga qayb qaadanayaan maalgashiga tooska ah ee qaybaha kala duwan ee dhaqaalaha, sida hantida ma-guurtada ah, isgaarsiinta, iyo maaliyadda. 

Shirkan ayaa inta badan qurba-joogta Soomaaliyeed ay ku qaban jireen dalalka dibadda, walow markan lagu qabtay caasimadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category