Xukuumada Somaliland Oo Baabiisay Oo Degaamaysi Sharci-Daro Ah Oo Laga Sameeyey Gobolka Daad-Madheedh

Oodweyne(RH)wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga gobolka daad-madheedh ayaa hawlgalo ka fulisay gobolkaas degaano kamid ah, kuwaas oo degaamaysi sharci daro ah laga sameeyey.

Wasaaradda ayaa hawlgalkan samaysay iyada oo kaashanaysa ciidamada Booliska ee gobolka Daad-Madheedh, waxaanay gebi ahaanba baabi’isay berkado laga sameeyey dhul daaqsimeedyo dadka ka dhaxeeya oo ku yaalla gobolka Daad-madheedh.

Waxa ay sidoo kale wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer Miyiga ee gobolka Daad-madheedh baabi’iyeen seereyaal sharci daro ah oo laga ootay deegaano kamid ah gobolka Daad-Madheedh, waxaana hawlgaladan ka warbixiyey Isu duwaha wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer miyiga Somaliland ee gobolka Daad-madheedh iyo taliyaha ciidamada Booliska ee qaybta gobolka Daad-Madheedh ,waxaanay masuuliyiintani sheegeen in ay baabi’iyeen Berkedo laga qoday inta u dhaxaysa tuulooyinka Ina Goole iyo Cabdi Faarax oo si sharci daro ah loo qoday.

Waxa ay maamulka wasaaraddu sheegeen in aanay marnaba ogolayn degaamaysi cusub oo degaankaas laga sameeyo, dhul la ooto ,dhuxulaysi  iyo Berkedo laga qoddo midnaba, waxaanay masuuliyiintu tilmaameen in ay hawlgaladan sidooda usii wadi doonaan, isla markaana ciddii lagu qabto iyaga oo fal dembiyeedyadan oo kale faraha kula jirta  sharciga la marin doono.

 

Category