Xukuumadda Somaliland Oo War ka soo-saartay Sababta keentay Kor u-kaca Maceeshada

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, mudane Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa sheegay in saameynta dunidda ee xannuunka Covid-19 in u sababay kor’ukaca maceeshada, isla markaana aanay xukuumadda iyo ganacsatadu aanay saameyn ku lahayn kor u kacaasi.

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida, oo  ugu yeedhay  kulan ay  su’aalo kaga weydiinayeen shaqada  uu Qaranka ugu  igman yihiin.

Dhanka kale guddoomiyaha guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay kala hadlayeen Rugta Ganacsiga ee Somaliland arrimaha dhaqaalaha, maciishadda iyo maalgashiga Somaliland ee ganacsatada, waxaana uu tilmaamay in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay u gudbin doonaan gole weynaha Guurtida, si looga dodo.

Guddoomiye Jamaal Caydiid isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, ayaa noo yeedhay, anaga oo ah masuuliyiintii rugta ganacsiga Somaliland.

Waxyaabaha ay wax naga weydiyeen waxa ka mid ahaa sidii waddanka loo maalgashanlahaa, iyo haddii ay tahay sicirada dunida ee is badbadelaya iyo halka uu maanta maraayo, si qoto dheer ayaanu isaga wareysanay waanu isaga garownay, dhibta adduunka ka jirta iyo ta waddanka taalaba waanu uga waranay.

Ganacsatadu dalka intii awoodeeda ah waa ay maalgashatay, maalgashi intaasi ka sii badana waa looga baahan yahay, oo sidii biyaha iyo laydhkaba aynu uga kaaftoomi lahayn laga shaqeeyo.

Xagga sicir-bararka maanta adduunka ka taagan, soona gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha sababay mid dhinaca ganacsatada ka timidna maaha, mid xukuumadda ka timidna maaha, ganacsatada kamay iman oo tii ay saari jirtay uunbay saarta, balse waxa is baddel ku yimid dhanka dalalka caalamka, waxaana saameeyay xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, waanay kala wada xidhiidh furatay, Koontiinerkii labada kun iyo shanta boqol ee dollar lagu keeni jiray 11-kun oo dollar ayaa lagu kireeyaa, warshadihii wax-soo-saarayayna waa ay kala godoomeen, marka adduunyada tartan ayaa ka jira.

Haddii Maroodigu cartamo dooga ayaa ku dhex baababa, marka macaashkii ganacsatadu wax saran jirtay in ay hoos uga dhigtay mooyaane waxba kor’umay qaadin, xukuumadduna wax cashuur ah oo halkaasi culeys ka soo kordhiyay iyaduna ma jiro, balse saameynta dunidda ee isbadeshay ayaa keentay.”

 

Category