Dowladda Federaalka waa Aabaha iyo Hooyada Sharcidarrada Soomaaliya la dhimaneyso

2012kii, gudaha Soomaaliya waxaa lagu qabtay doorasho dadban ee lagu soo xulay Xildhibannada Barlamaanka federaalka, kuwaaso doortay Madaxweynaha JFS oo ah xilka astaanta u ah midnimada, dimoqradinnimada, xasillonida siyaasadda, horumarinta, iyo ilaalinta sharciga.

Doorashada dadban waa doorashada xildhibannada, doorashada tendhada waa Doorashada Madaxweynaha JFS oo ah doorasho barlaamaan oo adduunka laga yaqaan.

Xiisaha doorashada dadban leedahay waxay tahay in Madaxda haysatay Xukunka heer federaal ay ku dadaashay musuqmaasuqa doorashada dadban, haseyeeshe ay ku hungoobeen doorashada Tendhada, kuna guuldareysteen himiladooda aheyd haysashada xilka Madaxweynaha JFS.

Waxaa xusid mudan in doorashada qof iyo cod ee Xildhibannada iyo Madaxweynaha JFS loo musuqmaasuqi karo si ka xun, ka fudud doorashada dadban ee xildhibannada. Wanaagga Doorashada dadban waa in laga dhaxlayay isbeddel xilka Madaxweynaha JFS (doorashada Tendhada).

Sharcidarro ku dhaqanka Dowladda federaalka waxay dhirrigelisay in mucaaradka iyo xooggagga kale taageraan sharcidarrada dowlad goboleedyada sameynayaan, taaso dhaawacday, dishay dowladda federaalka ee la rabay inay dalka ku hogaamiso sharciga iyo doorasho daahfuran, xalaal ah oo waafaqsan heshiiska bulshada iyo nidaam maamul iyo garsoor lagu kalsoon yahay.

Sharcidarradii iyo takrifalkii awoodeed ee dowladdii Madaxweyne Farmajo sameyneysay, waxay mucaaradka iyo waxgarad badan ku kalliftay inay taageraan sharcidarrada ay ku kacayeen dowlad goboleedyo iyo dadal shisheeye ah oo ka soo horjeeday dowladda federaalka cadowga iyo sharci-diidka noqotay, waxaana lagula dhaqmay murtida ah “Cadawgaada cadawgiisa waa saaxiibkada.”

Maanta waxay mareysa in mucaarad, waxgarad, iyo shisheeye taageerayaan, difaacayaan caleema saarka mar saddexaad ee Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Islaan oo xilligaan ka soo horjeeda dowladda federaalka ee lagu eedeynayo sharcidarro iyo takrifal awoodeed ee muddo laga cabanayo. Baraha bulshada waxaa ku soo badanaya eedeymo loo soo jeedinayo dowladda federaalka, haseyeeshe aan dheg jalaq loo siineyn.

Waxaa la sheegaya in dowladda federaalka aad ugu mashquulsan tahay la dagaalanka Jubbaland iyo Puntland, hurgufeyso dhaqaale iyo darajooyin tiro badan, wado abaabul ciidan, kicin iyo isku dir beeleed lagula dagaalamayo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Waxaa la sheegaya in lagu dhawaaqi doono inaan la aqoonsaneyn doorashada Madaxweyne Axmed Islan iyo cunaqabateyn dhaqaale iyo duulimaad, arrimahaaso laga soo bartay dowladdii Madaxweyne Farmajo. Waxaa la yaab ah in Madaxweyne Xassan Sheikh taagere iyo isbaheysi la lahaa Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland markii uu mucaaradka af ku leeblaha ku ahaa dowladdii Madaxweyne Farmajo.

Waxaa isa soo taraya tuhun sheegaya in koox mintid ah sida Al Shabab ay ka shaqeyneyso fulinta qorshe hagardaaminaya xuquuqda, maslaxadda, iyo karaamada bulshooyinka ku nool dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Gobolka Benadir, iyo Koofur Galbeed oo nasiib u helay inay dugaashadaan, ku jeel noqdaan, xarun u noqdaan dowladda federaalka cusub oo xubno ka yihiin dowlad goboleedyo (ismaamullo), isla markaasna lagu hor istaagayo taabbagalka dowlad qaran ee dalka oo dhan ka talisa, lagana aqoonsan yahay. Arrimaha laga fahmi karo qorshaha waxaa ka mid ah - kala qaybinta iyo isku dirka bulshada, dhirrigelinta ku takrifalka awoodda dowladda iyo musuqmaasuqa hantida iyo darajooyinka dowladda federaalka, dulleynta fikirka dhallinyarada, iyo jaahwareerinta iyo curyaaminta dhismaha dowladnimada Soomaaliya, arrimahaaso laga dhaxlayo shacbi iyo dal sabool ah u nugul addoonsi shisheeye.

W/Q:Maxamuud Maxamed Culusow

FG: Aragtidan waxay gaar u tahay qoraaga

Category