Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH)Guddiga ka hortagga iyo U diyaargarowga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta sheegay in baadhitaan lagu sameynayo saddex qof oo looga shakiyey inay qabaan Coronavirus,isla markaana ay ka qaadeen Dheecaano loo diray dibedda si baadhitaan rasmi ah loogu sameeyo,iyada oo inta ka horeysana dadkan lasii karantiimayn doono.

Hargeysa(RH)Fadhigii 56aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), kana qabsoomay qasriga madaxtooyada Somaliland, waxa maanta lagu lafo-guray ka hortaga xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus, sidii loo libin laabi lahaa dedaalka xukuumad iyo shacbi ahaan loogu jiro ka hortagiisa xanuunkaasi.

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ku wareejiyey deeq raashina oo loogu talo gallay macalimiinta ka hawlgalla dugsiyadda dawladda.

Waxaa deeqdani raaashinka ah kala wareegay agaasimaga guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska,  mudane Axmed Abokor Maxamed.

Hargeysa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-488/032020, ku magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Prime Minister Justin Trudeau says Canada and Ethiopia are preparing to start negotiations towards a foreign investment protection agreement.

Trudeau is in Addis Ababa to meet with Prime Minister Abiy Ahmed and President Sahle-Work Zewde.

He spent more than two hours with Abiy, including more than an hour in a private tour of a new public park and zoo on the grounds of the prime minister’s residence.

He also had a working lunch with Zewde at Jubilee Palace.

Hargeysa(RH)Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, ayaa mamnuucay ka ganacsiga gaadiidka loo adeegsado bakhtiinta dabka, laga bilaabo afarta bisha afarraad ee sannadkan 2020. Go’aankaasi oo ka dhaqan-gelaya Dhammaan gobollada Dalka.