
Oslo (RH)-Shirkadda isgaarsiinta lacagaha ee Vipps MobilePay ayaa shaacisay in sanadkii tegay ee 2024 ay sare u qaaday dakhligeeda, inkastoo ay weli wajahaysay khasaare lacageed.
Sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ka soo baxday shirkadda, khasaaraha guud ee 2024 wuxuu gaaray 880 milyan oo lacagta Norway ah, taasoo u dhiganta qiyaastii 542 milyan oo lacagta Denmark ah.
Vipps iyo MobilePay waxay isku biireen bishii May ee 2023, waxaana hadda shirkadda laga adeegsadaa afar dal oo kala ah Norway, Sweden, Denmark, iyo Finland. Waxaa jira in ka badan 12 milyan oo isticmaale guud ahaan dalalkan.
Gaar ahaan Denmark, waxaa jira 4.6 milyan oo MobilePay isticmaala, waxaana la sheegay in 82 boqolkiiba isticmaaleyaashaasi ay adeegsadaan app-ka MobilePay bil kasta. Celcelis ahaan, qof kasta oo isticmaalaha ah wuxuu sameeyay 123 wareejin lacag sanadkii tegay.
Shirkaddu waxay 2024 kusoo xareysay dakhli dhan 1.7 bilyan oo krone Norwegian ah, oo u dhiganta wax ka badan 1 bilyan oo lacagta Denmark ah, taasoo ah koror dhan 30 boqolkiiba marka la barbar dhigo sanadkii hore.
Inkasta oo ay jirto kororka dakhliga iyo tirada isticmaaleyaasha, haddana shirkadda wali ma aysan gaarin heer faa'iido.
W/Q: Maxamed Amiin Siyaad Cabdi
Tifaftiraha Radio Hormuud