
Muqdisho (RH)-Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo sugan, madaxweyne Xassan Sheekh ayaa qorsheynaya dibu qaabeyn kusameeyo Taliska ciidanka xoogga dalka, waxaana jiri doona xilka qaadisyo hoggaanada qaarkood & qorsheynta Isbedel lagu sameeyo Istaraajiyada la dagaalanka Argagixisada, in deegaanada qaarkood laga baxo oo difaacyo laga sameeyo aagag sugan oo aan laga bixi karin, xili todobaadkan laga baxay deegaano horey looga qabtay kooxaha Argagixisada.
Labadii todobaad ee lasoo dhaafay xubno horey siyaasadda heer gobal uga shaqeynayay/Hiiraan ayaa loo dalacsiiyey darajooyin sare oo ciidan, kuwaas oo ay ku jiraan xubno caan ku ahaa la dagaalanka Argagixisada, haddana laga fakarayo in laga dhigo Taliyayaal sare oo xoogga dalka ah.
Xogaha ayaa sheegaya in Taliyaha xoogga dalka uu keenay aragtiyo la xariira wax ka bedel lagu sameeyo qaab dhismeedka & hoggaanada ciidanka xoogga dalka, taas oo uu madaxweynuhu u riyaaqay qaarkoodna uusan jecleysan.
Dhinaca kale, MW Xassan Sheikh ayaa hadda kulan laleh saraakiisha ciidamada xoogga dalka, waxaana laga hadlayaa ladagaalanka Argagixisada, iyadoo ay shir joogaan saraakiishii laga qabsaday Aadan-Yabaal kuwaas oo diyaarad ciidan looga soo qaaday aag dhexe.
Madaxweynaha ayaa si xoogan uga careysan sida ay xaaladuhu kusocdaan, gaar ahaana dhacdooyinkii AadanYabaal ilaa Aboorey.
Qaar kamid ah ciidamadii ka baxay Aadan-Yabaal ayaa gaaray Galguduud, iyagoo kuwajahan Xarardheere oo ay doonayaan dhinaca Xeebta umaraan Muqdisho.
Xigasho:Gaylan Media