Dadka Dhimirka Ka Xannuusanaya Ee Ku Jira Cusbitaalka Macruuf Ee Magaalada Hargeysa Oo La Gaadhsiiyey Dharkii Ay ku Ciidi Lahaayeen

Hargeysa(RH):-Hablo ka kala tirsan wasaaradaha warfaafinta iyo xannaanada xoolaha Somaliland ayaa deeq dhar ah gaadhsiiyey dadka dhimrka ka xannuunsanaaya ee ku jira cisbitaalka dhimirka Macaruuf ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibad loo qabtay wareejinta deeqdaas waxa hadalo ka jeediyay Faa’isa Cali Xuseen oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo Sahra Maxamuud Xirsi oo iyana ka tirsan wasaaradda xannaanada xoolaha, waxaanay xuseen in deeqdaasi ay tahay mid ay ugu talo galeen dadka dhimirka ka xanuunsanayaa ee ku jira cisbitaalka Macaruuf ee magaalda Hargeysa, waxaanay bulshada u soo jeediyeen in dadkaa la caawiyo, maadaama oo ay inagu soo dhawdahay munaasibadii Ciidal Adxadu.

Ugu dambayn Dr-Cabdilaahi Yuusuf iyo Dr Siciid oo ka mida dhakhaatiirka ka hawl-gala cusbitaalkaas Macaruuf ayaa u mahadceliyay hablahaas is xilqaamay ee deeqdaas raashinka ah soo gaadhsiiyey, waxaanay bulshada u soo jeediyeen in dadkaas la soo xasuusto.

 

Category