Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu Maanta Xafiiskiisa Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ku  qaabilay Wafti ka socday dalka Denmark oo uu Hogaaminayo safiirka dalka Denmark, Amb. Ole Thonke oo dalka ku yimid safar shaqo.

Hargaysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa maanta ka warbixiyey  Ayax ka dilaacay meelo ka mid ah dalka .

 

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in ay ka diyaar garoobeen hawsha dilaacida Ayaxa, isla markaana ay si deg-dega ah uga hortageen iyaga oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gaadiidkaku gaashaaman agabka lagula dagaalamayo Ayaxa.

 

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo safiirka dalka Ingiriiska, Amb. Ben Fender ayaa ka wada-hadlay xaaladda amni ee gobolka .

 

Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland oo dalka ku yimid safar shaqo oo ah safiirkii u danbeeyey shaqadiisa ayaa kulan xog warran la qaatay Xukuumadda.

 

Hargeysa(RH):-Guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta   kulan xogwareysi ah la yeeshay Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, oo ay wehelinayeen agaasimo waaxeedyada wasaaraddaasi ayaa guddida joogtada ah ee golaha guurtida uga warbixiyay howlaha kala duwan ee sannadkan u qorshaysan.

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay war-bixin dheer oo ay kaga hadashay qorshe ay iyada iyo Jamhuuriyadda Jabuuti isla meel dhigeen oo ku aaddan sidii Xoolaha Waddanka Itoobiya gabi ahaanba looga dhoofin lahaa qayb cusub oo dhoofka xoolaha laga furay Dekedda Dooraale ee dalka Jabuuti Toddobaadkan, qorshahaasi oo halis weyn oo dhaqaale ku noqon kara Somaliland.

 

Hargeysa(RH):-Gudida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo gudbiyey warqad sumaddeedu tahay Tix: KDQ/XK/002/2021, taas oo ujeeddadeedu tahay cayimaadda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee 2021.Xubnaha komishanka doorashooyinka oo si rasmi ah u soo gebogebeeyey wejigii labaad ee diiwaangelinta cod-bixiyayaasha.

Berbera(RH):-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jarey mashruuca tamarta cad-ceedda lagaga samaynayo laydh jaban oo ay yeelan doonto magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera.

Mashruucan oo ay maal-geliyeen dawladda imaaraadka carabta  oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo guud ahaan Somaliland ayaa lagu heshiiyay inay wada maamulaan Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland iyo shirkadda laydhka ee Berbera.