Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargaysa(RH):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Wareegto uu soo saaray Xil ka qaadis, isku bedel iyo Magacaabis ku sameeyay Qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu magacaabay Madaxda Mac’hadka Tababarka Shaqaalaha dawladda, Mac’hadka Cilmi-baadhista Beeraha, Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka, Guddida Hay’adda Caymiska Qaranka, Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Hargeysa(RH):-Somaliland ayaa yeelanaysa 14 Dekeddood waxaana si rasmi ah loo aas-aasayaa Hay'addaha Dekeddaha Somaliland

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa loo qaybiyey Xeerka Dekeddaha Somaliland, kaas oo ay ka dooddi doonaan Xildhibaannadu maalmaha soo socda.

Ceel-Afweyn(RH):-Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa deegaamo ka tirsan degmadda Ceel-afweyn waxay ka fulisay hawl gallo lagu bur-buriyay dhir fara badan oo dhuxul laga shidayay.

Deegaamada Dhadhin Yaxye, Xamilka, Beer wayso, God caanood iyo deegaamo kale oo dhamanatoodba ka tirsan degmadda Ceel Afweyn iyo iyo Ceerigaabo.

Hargeysa(RH)Shaqaaleysiinta Dhalinyarada Somaliland Ee Dawladda ayaa Kor U Kacday 45% tan iyo 2014-kii Iyo Xukuumadda ka dib markii ay Xukuumadu Joojisay Shaqaalaha Ku Meel Gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Hay'addaha Dawladda Somaliland.

Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Xisbiga KULMIYE, ayaa kumanaan dhalinyarro ah shaqo abuur u sameeyey 10-kii sanno ee u dambeeyey.

 

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shugri  Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa hortagtay golaha guurtida.

Wasiirka ayaa mudanayaasha golahaasi warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siisay shaqada muhiimka ah ee ay wasaaraddu qaranka u qaabilsantahay iyo waxyaabihii u qabsoomay sanadkan sii dhamaanaya ee 2020-ka.

Saylac(RH):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo maalmihii ugu danbeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safar dhulka ah oo uu kaga soo baxay dalkaasi, waxaana si balaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalo xuduudeeda Lawyadacado, Madaxweynaha iyo waftigiisa waxa soo gelbiyey wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Biyaha, Beeraha Kaluumaysiga iyo Xanaanada Xoolaha Mudane Maxamed Axmed Cawaale(Maxamed Soomaali