Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Burco(RH):-Laba ka mid ah Shaqaalaha Wasaarada Horumarinta Maaliyada Somaliland Gaar ahaana Waaxda Cashuuraha Beriga ee Burco ayay Xukun ku riday Maxkamada Gobolka Togdheer kadib markii Lagu Helay Lunsi hanti umadadeed oo ku dhaw $10000(toban kun oo dollar),

Xukunka ay maxkamada ku  riday Shaqaalahan ayaa isugu jiray soo celinta lacagtaasi, Ganaax iyo xadhig gaadhaya sadex sano.

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaaradda maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku jooga dalka Kiiniya ayaa shir la yeeshay qaar ka mid ah mulkiilayaasha iyo mas’uuliyiinta shirkadaha ganacsiga Soomaalida  dalka Kiiniya

 

Shirkaas oo ay qaban qaabadiisa lahayd safaaradda Somaliland ee dalka kiiniya waxaaa wasiirka maalgashiga Maxamed Axmed Cawad kulankaas ku wehelinayey safiir ku xigeenka Somaliland ee dalkaas Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle).

 

Hargeysa(RH):-Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:

 Dawladda dhexe