Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta la horkeenay miisaaniyad sannadeedka 2021-ka.

Hargeysa(RH):-Ciyaartoyda Xulka gobolka Daadhmadheedh, ayaa ku guuleystay koobkii kubada cagta ee gobolada Somaliland, kadib markii ay laba iyo hal kaga adkaadeen kooxda gobolka Maroodijeex.

xulka gobolka gobolka Daadmadheedh ayay noqonaysa markii koobaad ee ay koobankan ku guuleystaan, halka tababarahooda macalin Diridhaba ay u noqonayso koobkii saddexaad ee horyaalka gobolada ee uu qaado, isaga oo laba koob oo hore u qaaday gobolka Maroodijeex.

Hargeysa(RH):-Wasiirka  Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka  Furay  mashruuca maalgelinta Tamarta laga dhaliyo qorraxda.

Furitaanka mashruucaasi waxa kasoo qayb galay wasiir ku-xigeenka Maaliyadda, Guddoomiyaha Gudida Tamarta Agaasimaga guud ee wasaaradda macdanta iyo masuuliyiin kale.

Mashruucaasi waxa maalgaliyay Baanka adduunka iyadoo ay fulineyso wasaaradda macdanta masuulna uu ka yahay Dahabshiil Bank.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.