Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE Oo Ansixiyey Guddiga Qaban-qaabada Shirweynaha 4aad ee Xisbigaasi

Hargeysa(RH):-Guddiga Fulinta Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa ansixiyey Guddi Guddoomiyaha xisbigu u magacaabay qabanqaabada shirweynaha afraad ee xisbiga oo qorshuhu yahay in la qabto bisha June ee sannadkan 2020.

Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga KULMIYE maanta oo Salaasa ah, isla markaana uu shirguddoominayey Guddoomiyaha xisbiga, ahna Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu ansixiyey Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha Afraad ee xisbiga oo ka kooban 14 xubnood.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey shirka Guddiga Fulinta iyo xubnaha lagu ansixiyey.

Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere waxa uu halkaasi ka akhriyey warqadda magacaabista Guddiga Qabanqaabada, taas oo u dhignayd sidan hoose:

“Ujeeddo: Magacaabidda xubnaha Guddida Qabanqaabada Shirweynaha 4aad ee xisbiga KULMIEY

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Iyada oo la fulinayo go’aanka shirkii Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee qabsoomay 28/01/2020, ujeeddadiisuna ahayd qabashada shirweynaha 4aad ee xisbiga KULMIYE bisha June 2020-ka.

Aniga oo raacaya qodobka 16aad, fqraddiisa 3aad ee Xeerka Xisbiga KULMIYE, waxaan go’aan ku gaadhay in aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Qabanqaabada Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE.

1. Cabdikariim Axmed Maxamed

2. Dr. Maxamed Cabdi Carabayte

3. Axmed Faarax Cadarre

4. Cali Xaamud Jibriil

5. Cali Maxamed Cali

6. Axmed Cabdi Kijaandhe

7.Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye

8. Maxamed Ibraahim Madar

9. Axmed Nuur Faahiye

10. Khadra Jaamac Koosafaare

11. Maxamed Muuse Abees

12. Faysal Cumar Madar {qumuj}

13. Ismahaan Jaamac Teneg

14. Naasir Ayjeex Jaamac

 

Category