Hagia Sophia oo dib looga dhigay Masjid

ISTANBUL — Maxkamad sare oo Turkish ah ayaa maanta go’aamisay in laga noqdo xeer hore oo Hagia Sophia ka dhigay madxaf, taasi oo dhabbaha u xaareysa in dhismahan caanka ah dib loogu celiyo Masjid.

Golaha Qaranka, oo ah maamulka maxkamadeed ee ugu sarreeya Turkiga, kaasi oo 2-dii July ka dooday kiiskan, ayaa maanta nasakhay go’aan ay 1934-kii gaareen golaha wasiirada oo Hagia Sophia ka dhigay Madxaf.

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan ayaa kadib go’aanka ku dhowaaqay in Muslimiinta dib loogu furi doono inay ku tukadaan Hagia Sophia, oo UNESCO ay u aqoonsan tahay inay tahay Dhaxal-Adduun.

Go’aankan ayaa ka carreysiiyey dalal ay ka mid tahay Greece iyo ururo Kirishtan ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa horey usoo jeediyey in dhismahan oo muhiim u ahaa boqortooyadii Kirishtanka ee Byzantine iyo tii Islaamka ee Cusmaaniyiinta dib looga dhigo Masjid.

Dhismaha Hagia Sophia oo ahaa Masjid, kuna yaalla Istanbul, ayaa waxaa madxaf loogu beddelay go’aan ay dowladda Turkiga gaartay 1934-kii, xilligaas oo ahayd sanadihii hore calmaaniyadda uu Turkiga ka dhigay aas-aasaheeda Mustafa Kemal Ataturk.

Hagia Sophia, oo ku yaal Istanbul, ayaa markii waxay ay muddo 900 sano ahayd kaniisad, waxaana kadib laga dhigay Masjid-kii ugu muhiimsanaa taariikhda Cusmaaniyiinta muddo 500 sano ah kadib

 

isha warkan . VOA

Category