RH: Isniinta soo socota ayaa maxkamaddu u bilaabanaysaa laba nin oo da’doodu tahay 32 iyo 24 sano jir, kuwaas oo ka soo jeeda magaalada Kolding. Labadan nin ayaa lagu eedeeyay falal dhagar ah oo ay dadka uga dhaceen lacag, lacagtaas waxaa ka mid ah lacag caddaan ah ( Cash), kaararka lacag-bixinta, iyo xitaa alaab qiimo leh.
Waxaa lagu eedeeyay in falalkan ay sameeyeen intii u dhaxaysay 10-kii Luulyo iyo 20-kii Agoosto 2024. Labadan nin ayaa hadda ku jira xabsiga si kumeel-gaar ah iyadoo ay sugeyso maxkamaddu go’aanka eedahooda.
Habka Ay U Dhaceen Dhagaraha
Labadan nin ayaa lagu eedeeyay in ay iska dhigeen saraakiil boolis ah ama shaqaale bangi, iyagoo isticmaalay xeelado khiyaano ah si ay dadweynaha uga helaan kaararkooda lacag-bixinta iyo furaha qarsoodiga ah (PIN code). Waxay sidoo kale ku qasbeen dadkii dhibbanayaasha ahaa in ay u dhiibaan lacag caddaan ah, dahab, iyo xitaa ururin lacag qiimo leh oo lagu sheegay inay qiimaheedu gaarayo 66,000 krone.
Waxay lacag caddaan ah uga qaadeen ATM-yo kala duwan, iyagoo ka dhacey ugu yaraan 30,000 krone hal maalin gudaheed. Sidoo kale waxay wax ka iibsadeen dukaamada, gaar ahaan Kolding Storcenter, iyagoo adeegsanaya lacagaha ay khiyaanada ku heleen.
Xaaladaha La Soo Bandhigay
Falalka dhagaraha oo dhan waxay ka dhaceen toddobo jeer, shan ka mid ah Kolding, halka labada kale ay ka dhaceen Taulov iyo Strib oo u dhow magaalada Middelfart.
Eedaymaha kale ee ka dhanka ah mid ka mid ah raggani, oo ah kan 32 jirka ah, waxaa ka mid ah inuu ku lug lahaa hanti la dhaqo (money laundering). Bishii Oktoobar 2023, waxaa la sheegay inuu helay laba wareejin lacag ah oo gaaraya 93,000 krone, oo uu qeyb ka mid ah sii wareejiyey isagoo ka warqabay in lacagahaasi sharci darro yihiin.
Ciqaabta La Filayo
Haddii maxkamaddu ku hesho inay danbi galeen, labada nin waxay wajahayaan ciqaab ay ku jiraan xabsi iyo bixinta mag-dhow lacageed oo loogu talagalay dhibbanayaasha.
Kiiskan ayaa tusaale u ah falalka khiyaanada ah ee dadka waayeelka ah ku dhaca, iyadoo boolisku digniin adag ka bixiyeen in dadweynaha laga helo furaha qarsoodiga (PIN code) iyo macluumaadka kaararka lacag-bixinta.
Xigasho: JydskeVestkysten, 14-kii Janaayo 2025
Tarjumaad: Mohamed-Amiin