Madaxweynaha iyo Xisbiga Waddani Oo la Filayo inay Soo Xulaan Xubnaha Cusub Ee Guddida  Doorashooyinka Qaranka Somaliland

Hargeysa(RH)Madaxweynaha  Somaliland  Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo dhammaystiraan soo xulista xubnaha Cusub ee Gudida   doorashooyinka Qaranka Somaliland , ka dibna uu Madaxweyne Biixi u gudbin doono golaha wakiilada toddobada xubnood ee uu u ansixiyo inay noqdaan guddida doorashooyinka qaranka  JSL.

Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan ayaa Madaxweynaha u gudbiyay labada xubnood ee uu u xulay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka, labadaas xubnood ayaa kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Sidoo kale guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha u gudbiyay xubinta uu u soo xulay guddiga cusub ee doorashada oo ah Xasan Yuusuf Ducaale.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi oo uu sharcigu awood u siiyay inuu soo xulo saddex xubnood oo ka mid ah 7-da xubnood ee guddiga doorashada, ayaan weli soo xulin xubnihii uu ugu tallo galay inay ka mid noqdaan guddiga cusub ee doorashada.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaan isna weli gudbin xubinta uu ugu talo galay guddiga cusub ee doorashada.

Bulshada Somaliland Ayaa mudooyinkii u dambeeyey aad ugu dhagtaagaysa Soo Xulista Afartaasi Xubnood ee Cusub ee ka mid noqondoona Gudida   doorashooyinka Qaranka Somaliland Ee ay soo kala xulidoonaan Madaxweyne Biixi iyo Guddoomiye Cirro

 

Category