Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Xildhibaanno Ah Oo Uu Hoggaaminayo MP. Gavin Williamsom.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka dalka Uk oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay xildhibaannada, dooddii xaqiiqda ku fadhiday ee ay Baarlamaanka UK dhawaan horgeeyeen qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, doodihii cad-caddaa ee ay badka keeneen iyo adkaynta xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee hore uga dhexeeyey labada dal, isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamku inay ku daydaan baarlamaanka Uk oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen.

Ugu danbayn madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaadhiso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye.

Xubnaha Weftiguna waxay kala ahaayeen, Hon Gavin Williamson CBE, MP Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny Lister iyo Hon Alun Cairns MP.

 

Category