Madaxweynaha Taiwan Oo Qaabishay Waftigii Ka Socday Somaliland

Hargeysa(RH):– Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa qaabishay waftigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Dr. Ciise Maxamuud Kayd, waxayna labada dhinac ka wada hadleen iskaashiga ganacsiga, iyo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland.

Madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegtay in Somaliland ay Taiwan u tahay albaab ay ka galayso Afrika, oo horseedi kara horumarka maalgashiga ay Taiwan rabto in ay ka fuliso qaarada Afrika, iyadoo sheegtay in Somaliland ay ku taalo bogcad istaraatiji ah.

Dhinaca Somaliland, wasiir Kayd, ayaa sheegay in haddii Taiwan kordhiso dhoofka badeecooyinkeeda ay ku gayso qaarada Afrika, ay labada dhinacba ka faa’iidi doonaan.

Wasiir Kayd waxa uu yidhi. “Waxan maalgashada yaasha reer Taiwan kusoo dhawaynayaa qaaradayada, waynu ka wada faa’iidaysanaynaa oo Taiwan waxay kordhinaysa dhoofka alaabadeeda ee Afrika, anagana shaqa abuur ayaa u kordhaya dhalinyarada yada”

Sidoo kale, wuxuu usoo bandhigay in ay Taiwan ka faa’iidaysato khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Somaliland.

Wasiir Kayd isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas raaciyay.”Markay noqoto macdanta, Somaliland khayraad badan ayaa ku jira, oo shisheeyuhu maalgashan karo sida, hydrocarbon deposits ka, saliida iyo shidaalka iyo dhuxul dhagaxda, kuwaasi oo lagu ogaaday sahamin la sameeyay sannadihii lasoo dhaafay”  .

Wasiirka ayaa sidoo kale, sheegay in Taiwan  ku ay ka faa’iidaysan karaan maalgashiga dhinacyada dalxiiska, beeraha iyo kalluumaysiga Somaliland, dhaca  kalena, madaxweynaha Taiwan ayaa rajaysay in madaxweyne Biixi soo booqdo Taipei si loo sii adkeeyo xidhiidhka labada dhinac.

Category