Sawirro: Markabkii ugu horreeyay oo ku xirtey dekadda Garacad

Garacad (RH)-Dekedda Garacad ee gobalka Mudug, waxaa maanta ku xirtay markabkii ugu horreeyay ee badeecado sida kaasoo ka yimid dalka imaaraadka Carabta.

Markabka saaka ku xirtay dekedda Garacad ayaa siday badeecado ay ku jiraa gawaari iyo agab kale oo u socday shirkadda dhiseesa dekedda oo ka yiraado Wadaagsan.

Howlwadeenada dekadda ayaa sheegay in markabka uu si nabad ah baroosinka soo dhigtay dekedda oo hadda lagu xiray kaabiga koowaad ee dhismihiisa dhawaan uun la dhammeeyay

Si kastaba, dhismaha dekadda Garacad waa mashruucii ugu horreeyay noociisa oo Soomaaliya ka hirgalay 30-kii sanno ee la soo dhaafay, laakin waxaa sheegis mudan in ay jiraan mashruucyo kale oo la mid ah oo iyana meel gabagabo maraya.

Dhacdada ka dhacday dekadda Garacad ee gobolka Mudug, ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo albaab cusub u furayso in dekaddo kale ay dhismaan bilaha iyo sannadaha soo socda.

Markabkii ugu horreeyay oo ku xirtey dekadda Garacad


 

Markabkii ugu horreeyay oo ku xirtey dekadda GaracadMarkabkii ugu horreeyay ee badeecado sida ayaa ku soo xirtay dekadda #Garacad

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category