Shirkaddaha Opic Somaliland Iyo Genel Energy Oo Wada Gaadhay Heshiis Shidaal lagaga Soo-saarayo Somaliland

Hargeysa(RH):-Shirkaddaha Opic Somaliland Corporation iyo Genel Energy ayaa wada gaadhay heshiis iskaashi oo shidaal lagaga soo-saarayo Somaliland.

Shirkadda Genel Energy oo muddo sannado ah ku sugnayd Somaliland ayaa  samaysay sahamin shidaal oo kala duwan oo baaxad leh.

Sahankaas oo isugu jiray noocyada jijoolojiga, baadhitaano ay diyaraaraddo fuliyeen (gravity, magnetic), siesmic (hirar gariir oo dhulka gudahiisa humaag ka muujiya), (baadhitaan caro-ceel), waxa midba midka ka dambeeya u gogol xaadhayey, isla markaana marba marka ka dambeeya soo koobayey baaxadda goobaha tuhunka Shidaalku ka muuqday.

Shirkaddu ka dib markii ay sifayn iyo turjumaad ku samaysay xogahaas, isla markaana si wadajir ah lafagurid ugu samaysay xogaha noocyada kala duwan ah ee ay heshay, waxay xaqiijisay goobo dhawr ah oo muujinaya hannaan qaab-dhismeed (structures) oo ay ku jiri karaan kaydad shidaal oo baaxad leh, waxaanay goobahaas u aqoonsatay inay yihiin kaydad shidaal oo mudan in la qodi karo (drillable prospects).

Si kayddadka loo qodo, loogana midho dhaliyo khayraadka ku duuggan shirkadu waxay in muddo ah ku hawlanayd sidii ay u heli lahayd daneeyayaal kale oo ay isku biiraan (partner) si ay u wada wajahaan hawlaha miisaanka leh ee qodaalka shidaalka, taas oo ah arrin ay inta badan sameeyaan shirkadduhu marka ay ceelal ka qodayaan meelo aan hore shidaal looga soo saarin (frontier areas).

Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland iyo Genel Energy ayaa deddaal badan ka dib ku qanciyey shirkadda CPC ee laga leeyahay dalka Taiwan inay isku biiraan iyada iyo Genel Energy si loo dardargeliyo geedi-socodka hawlaha shidaalka ee dalka, waxaanay Shirkadda CPC  aasaastay shirkad Opic Somaliland Corporation (OSC) oo ah faraceeda ka hawlgelaysa Somaliland taas oo saami dhan 49% ka iibsatey shirkadda Genel Energy, si ay qayb uga noqoto heshiiska Genel Energy kula jirto dawladda Somaliland ee xidhmooyinka shidaalka (oil blocks) SL10B iyo SL13.

Heshiiska labada shirkaddood, oo ay wasaaradda tamarta iyo macdanta ku lahayd door ansixineed ayaa la kala saxeexday heshiis.

Genel Energy ayaa yeellanaysa saami qaybeed dhan 51% xidhmooyinka lagu heshiiyey, ka dib markii ay ka iibisay Opic Somaliland Corporation (OSC) 49%.

Agaasimaha farsamada ee Shirkadda Genel Energy Mike Adams ayaa sheegay "Somaliland waa gobol aad loo saadaalinayo oo aan si weyn loo sahamin khayraadkiisa oo leh astaamo soo jiidasho leh oo ku saabsan qodista ceelalsha Shidaalka" ayuu u sheegay energyvoice talaadadii todobaadkan.

Wasaaradda oo ka duulaysa cilaaqaadka iskaashi ee Somaliland iyo Taiwan iyo doorka wasaaradda kaga aadan, ayaa xidhiidh toos ah la samaysay shirkadda CPC bishii Diseembar ee sanadkii 2020. Xidhiidhkan waxaa ka dhalatay in shirkadda CPC booqasho ku timaado Somaliland bishii Maarso ee 2021, si ay ula kulanto wasaaradda iyo shirkadaha Shidaalka ee dalka ka hawlgala isla markaana ugu kuur-galaan fursadaha maalgashi ee xagga Shidaalka ee ka jira waddanka.

CPC, ayaa aad ugu qanacday tuhunka shidaal ee Somaliland,  gaar ahaana natiijooyinka togan ee ka soo baxay sahamadii ay sameeyeen shirkadaha Genel Energy iyo RAK Gas, waxaanay muujiyeen inay danaynayaan inay qayb ka noqdaan mashruucan.

Xukuumadda Somaliland oo tan iyo markii ay bilowday barmaamujka sahaminta shidaalka guntiga u xidhnayd sidii looga gaadhi lahaa guul, ayaa dedaal gelisey bilihii u dambeeyey  sidii ay u fuddudayn lahayd midowga labada shirkaddood Genel iyo OSC, iyada oo geesta kalena soo dhaweysay heshiiska labada geesoodka ah "waa talaabo kale oo hore loo qaaday, taas oo ay dawladda Somaliland u aragto guul weyn oo muujinaysa in lagu sii dhawaado ka faa'idaysiga tacabkii la geliyey mashruucan. Wasaaradda tamarta iyo macdanta oo ay si toosa u khusayso hawshani, waxa ka go'an inay mar walba hagaajiso doorka kaga aaddan shaqada" sidaasi ayuu yidhi agaasimaha waaxda Shidaalka ee wasaaradda tamarta iyo macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland...

Shirkadda Opic Somaliland Corporation ee faraca ka ah CPC ayaa sidoo kale iska diiwaangelisey Somaliland si ay ugu gogol-xaadho si ay  xidhmooyin kale oo shidaal u maalgashato mustaqbalka. Arintan oo ay aad ugala shaqaysay Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ayaa faa’iido u yeelan doonta labada dal, maadaama dalka Taiwan aanu lahayn shidaal ku filan baahidooda xagga tamarta.

Shirkadda CPC oo ah tan ugu weyn ee dalka Taiwan u qaabilsan arrimaha shidaalka ayaa hadafka jiritaankeedu uu yahay sidii ay shidaal ay dalka (Taiwan) dibaddiisa ka keento uga haqabtiri lahayd dalkaasi, waxaanay hadda ka hawlgashaa waddamo badan oo caalamka ah sida USA, Ecuador, Niger, Chad, Malaysia, Australia iyo Somaliland oo hadda shaqada ka bilowday.

Category