Xamse Barre oo ka qeybgalaya kalfadhigga 79aad ee golaha QM

Muqdisho (RH)—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay saaka magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo uu kaga qaybgalayo Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha, Xamsa ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category