Xukuumadda Somaliland  Oo Deeq Raashin ah Gaadhsiisay 2,600 oo Macalin

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed ayaa wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ku wareejiyey deeq raashina oo loogu talo gallay macalimiinta ka hawlgalla dugsiyadda dawladda.

Waxaa deeqdani raaashinka ah kala wareegay agaasimaga guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska,  mudane Axmed Abokor Maxamed.

Deeqdani raashinka ah ayaa loogu talagay in la siiyo macalimiinta aan mushaharka ka qaadan dowlada ee sida tabarucaadka ah ardayda wax ugu dhigta, waxaanu agaasimaha guud uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto noloshooda.

 

Gudoomiyaha hay’adda ka hortaga masiibooyinka mudane Faysal Cali Sheekh ayaa daboolka ka qaaday deeqdani raashinka ah inta macalin ee loogu talo galay in la siiyo waxaanu yidhi  “Waxaa aanu wasaaradda waxbarashada Sayniska ku wareejineynaa raashin dhan laba kun iyo lix boqol oo qoys, qoys ahaan ayaay anaga noo xisaabsan yihiin laakiin iyaga macalimiin ahaan ayay u xisaabsan yihiin, kuwaasi oo la siin doono macalimiinta bila mushaharka ee dalka, guud ahaan goboladda dalka hadii ILLAAHEY yidhaaho.

Waxaanay caawimaddani ka mid aheyd tii ay bixisay hay’adda Salmaan Foudation, ee boqorka Sucuudigu dhab ahaantii inoo soo diray”

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyey macalinkasta iyo inta uu gaarka u heli doono waxaanu yidhi “Waxay nagu wareejinayaan raashin loogu talo galay laba kun iyo lix boqol oo qoys, noocyadda raashinkuna waa ay kala duwan yihiin, qofkastana tiradaasi oo dhammeystiran ayaa lagu wareejin dooonaa.

Sida Bariis 20-kiilooya, daqiiq iyana 20-kiilooya, sonkor 20-kooloya, baastadda oo 10-kiilooya, faasuuliyaha daasadaha ku jirta oo 20-xabo ah, noqoneysana 8-kiilo, timir 6-kilogaraama, iyo saliid 6-litira, marka macalin kasta marka intaasi la siiyo waa uu tirsan doonaa”

“Halkan waxaa aanu uga mahad celineyna dawladda Sucuudiga, iyo boqorkooda Boqor Salmaan aad ayaan ayaanu ugu  mahad naqeyna, caawimadda ay siiyeen macalimiinta masaakiinta ah waayo guud ahaan macalimiintu waa wada danyar, lacagta uu qaatana dhab ahaantii waa mid yar laakiin caawimadani maada ay kooban tahay waxaa loogu talo galay macalimiinta muta dawiciinta ah ee aan mushaharka qaadan, ee goobaha dugsiyadda ah jooga dhab ahaantii wax weyn ayay ka badeli doonta noloshiisa, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqeyna, mar kale waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin”Ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane Axmed Abokor Maxamed.

Waxaa ay noqoneysa markii u horeysay ee deeq raashina oo noocan oo kale ah la siiyo macalimiinta aan mushaharka qaadan ee ka hawlgala dugsiyadda dawladda.

 

Category